Dagaal beeleed Khasaare geystay oo ka dhacay Sool

by admin | Tuesday, Aug 18, 2020 | 546 views

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed deegaanka Adhi Cadeeye ee gobolka Sool ku dhexmaray beello walaalo ah kasoo sababay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo dhex maray malayshiyaad hubaysan oo kasoo wada jeeda degaanka Adhi Cadeeya ayaa sababay dhimashada afar qof iyo dhaawaca tiro kale oo kamid ah dhinacyada dagaalamaya.

Dagaalka ayaa salka ku haya aanooyin qabiil iyo dilal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay degaanka Aricadey ee gobolka Sool.

Ciidanka Somaliland oo kasoo baxay Magaalada Laancaasnood ayaa kusoo wajahan degaano ka tirsan kuwa lagu dagaallamay.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Colaadda degaanka Aricadeeye.

Like it? Share it!

Leave A Response