Baladweyne Nin Mindi dhimasho iyo dhaawac ugu geystay Labo Haween.{AKHRISO}

by admin | Tuesday, Aug 18, 2020 | 521 views

Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan nin mindi watay ayaa geliyay labo haween oo dhaawacyo halis ah soo gaaray, mid kamid ah labadaas dumar ayaa u dhimatay dhaawac halis ah oo ay u dhiig baxday.

Xaafadda Kooshin oo kamid ah waa halka lagu weerarkaan uu ka dhacay, waxaana haweeneyda dhaawaca ah oo aad u dhiig baxday la dhigay Mid kamid ah Isbitaallada Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Agaasimaha Isbitaalka la geeyay labada Haween oo midi geeriyootay tan kalena dhaawaca soo gaaray laga daweyayo ayaa sheegay in dhowr meel oo u badan madaxa uu qofkaan Mindida ka geliyay dumarkaan.

“Dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray labada Gabdhood, mid ayaa u dhimatay dhiig bax sababay in ay galaan xaalad halis ah, howsha lagu badbaadinayo oo socoto ayay geeriyootay mid kamid ah haweenkaas, AUN ayaan leeyahay, Maskaxda ayaa soo daadatay” ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka Hilaal oo dumarkaan la geeyay.

Waa uu sii hadlay waxa uu yiri “Waxa aan la tacaaleenaa Haweeneyda dhaawaca ah oo dhiig lagu shubay, dhammaan howlaha aan qabano ayaan isugu geynay si loo badbaadiyo, Alle ayaan ugu baryeenaa in uu caafimaad siiyo, waxaana ku yaalla dhaawacyo dhowr ah oo ah meelaha Mindida laga geliyay”.

Ilaa haatan laamaha ammaanka iyo maamulka Magaalada Baladweyne kama aysan hadlin dhacdadaan lagu dhaawaca iyo dhimashada ay ku noqdeen labada Gabdhood, waxaana baxsaday qofkii mindida geliyay sida Mustaqbal ay u sheegeen dadka Xaafadda Kooshi

Like it? Share it!

Leave A Response