Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay dilka Wasiirka

by admin | Monday, Aug 17, 2020 | 451 views

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed dilka Magaalada Jowhar loogu geystay Wasiirkii Beeraha Hir-Shabeelle Marxuum Cabdiqaadir Faarax Axmed (Karaani)., isaga oo baaq u diray Xildhibaannada.

Guddoomiyaha oo ku hadlayay magaciisa, kan Guddoonka, Magaca Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka waxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Cabdiqaadir Faarax Axmed (Karaani) oo kamid ahaa Xildhibaannada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle, isla markaana dhawaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha oo kooxaha argagaxisada ay ku dileen Xaafadda Kulmis ee Degmada Jowhar.

Guddoomiye Sheekh Cismaan ayaa yiri “Waxaan tacsida tiiraanyada leh laqeybsanayaa Qoyska ehelka, Asxaabta iyo dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Axmed “Karaani” waxuuna Alle uga baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo”

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Xildhibaannada iyo Mas’uuliyinta kale ee Dowladda uga digay ay Al-Shabaab ka geysan karaan deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle, loona baahanyahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Like it? Share it!

Leave A Response