Meydad hor leh oo laga soo saaray dhismaha Hotel Elite

by admin | Monday, Aug 17, 2020 | 474 views

Meydad horleh ayaa Maanta waxaa laga soo saaray Hotelka Elite oo ku yaalla Xeebta liido ee ee degmada Cabdul Casiis, halkaas oo weerar ku bilaawday qarax ay ku qaadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saaka ayaa waxaa Hotelka tegay qaar kamid ah dadka ku nool Gobolka Banaadir oo baadi goobayay Ehelladooda oo ka maqan kuna tuhmayeen inay joogeen Hotelka,waxaana laga soo saaray meydka ilaa dhowr qof.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhamme Sadiiq Aadan Cali waxaa uu sheegay in 16 Ruux ay weerarkasi ku dhinteen, hayeeshee ay korortay dhimashada, kadib markii meydad hrleh Maanta laga soo saaray.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa ku sugan liido, kuwaas oo sugaya Amniga maadamaa howlo nadaafadeed ay ka bilaawdeen hotelka Elite iyo meelaha ku dhow dhow oo uu qaraxa saameeyay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda werarka qaraxa ku bilaawday ee lagu qaaday Hotelka Elite oo ku yaalla Xeebta liido, iyaga oo sheegay inay ku dileen mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response