Madaxweyne Qoorqoor” Galmudug lama sameyn July 2015-kii”

by admin | Saturday, Aug 15, 2020 | 621 views

Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeybgalay munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay taasoo lagu xusaayo sanad guuradii 14-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay maamulkii ugu horeeyay ee sita magaca Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Galmudug la aasaasay 2006 dii , islamarkaana dib loo mideeyay 2015-kii asagoo sheegay in Galmudug ay qeyb ka aheyd hanaankii dalka looga saaray Kumeelgaarka Xilligii Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa uu sheegay in maanta ay jirto Galmudug mid ah oo loo baahan yahay in Shacabka degaanada maamulka Galmudug meelwalba oo ay jooggaan ay muujiyaan taageero.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in maalmaha soo socda uu Dhuusamareeb ka furmi doono Shir looga hadlaayo Aayaha Soomaaliya, kaasoo lagu Magacaabo Dhuusamareeb 3, waxaana uu sheegay in maanta Dhuusamareeb ay ku wajahan yihiin Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamulada qaarkood.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa Saacaddaha soo socda in uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug halkaasi oo uu ka furmi doona Shirka Dhusamareeb 3.

Like it? Share it!

Leave A Response