Dad fikradahooda qora, oo aan ahayn wariyeyaal, ayaa aad u soo badanaaya soomaliya iyaga oo fikradahooda ka dhigaya wax xaqiiqa ah.{warbixin}

by admin | Friday, Aug 7, 2020 | 834 views

Akhriso shan talo oo kugu caawinaya sida aad ku garaneyso iyo sida aad uga fogaaneyso wararka been-abuurka ah:

1. Tixgeli xigashada wararka
Waxaa jira warbaahin aad u badan iyo siyaabo badan oo wararka lagu heli karo oo aan weligeed la arkin. Arrintaas awgeed waxaa muhiim ah in la iska ogaado meelaha aad wararka ka heleyso iyo ujeedkooda.

Markaad intarnetka ka akhrisaneyso wararka, isku day inaad ogaato shaqaalahooda, waxyaabaha ay ka hadlaan, aragtidooda.
Marka aad iska hubineyso hal maqaal oo qoran, iska eeg qoraaga iyo xigashada raadraacyada warbixinta. Dad fikradahooda qora, oo aan ahayn wariyeyaal, ayaa aad u soo badanaaya iyaga oo fikradahooda ka dhigaya wax xaqiiqa ah.

Intaas waxaa sii dheer, dad kale oo wax qora ayaaba isticmaala warbixin aysan lahayn oo ay sheegtaan. Arrintaas ayaa wararka ka dhigeysa wax lagu jaha-wareero oo aan sax ahayn.

2. Ka faa’iideyso intarnetka
Haddii aad aragto warar aan faahfaahin lahayn, waxay u badan tahay in ay dad kale sidaas kuula arkeen. Ka baar intarnetka ama booqo shabakadaha xaqiiqa-raadiska ah si aad uga eegto haddii uu jiro qof kale oo soo hubiyey warkaas

3. Iska hubso in uu warku yahay mid hadda socda
Iska hubso taariikhda la daabacay wax kasta oo aad akhrisato. Haddii aysan qorneyn taariikhdii la daabacay, warkaas oo dhan waa wax uu shaki ku jiro. Anshaxa saxaafadda waxaa ka mid ah in ay jirto daahfurnaan muujineysa mar kasta oo la gudbiyo maqaal iyo mar kasta oo wax laga beddelo.

Intaas waxaa sii dheer, waxaa jira shabakado intarnetka ah oo ay far ku mudan tahay oo badanaa dib u qora warar hore oo wakhtigoodii la soo dhaafay iyaga oo aan sheegeyn markii ugu horreysay ee uu warku soo ifbaxay.

4. Haddii uu sawir ama fiidiyow kuula muuqdo wax aan jirin, waxay u badan tahay wax been-abuur ah.
Adiga caqligaaga isticmaal. Haddii uu sawir u muuqdo wax aan macquul ahayn iyo been, sidaad adiga uga yaabtay ayey u badan tahay runtu.

5. Iska hubso haddii uu warku meelo kale ku jiro
Haddii aadan isla warkaas ka heli karin meelo badan, waxay u badan tahay in uusan run ahayn. Inkastoo ay kala duwan yihiin meelaha la rumeysan karo, haddana wararku waxay u badan yihiin in ay run yihiin marka ay weriyeyaal badan si isku mid ah u sheegaan.

qoraalkaan waxaan u soo qaatay kadib markii aan arkay wariyaal badan oo dib ugu saaray qoraalo ay markii hore soo qoreen iaga oo aan hubsan markii hore soo qoray , sida tii aheyd in madaweynaha soomliya uu magacaabay ra’isulwasaaha cusub,

hubsiino hal baa lasiisataa.

W/D: Bashiir cabdulahi cismaan
Baladweyne, soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response