“Waa nasiib darro iyo qalbi jab in dowladdu aaney lahayn mudadii ay joogtay qorshe siyaasadeed amni oo damaanad siinaya muwaadiniinta” Shariif Sheekh Axmed.

by admin | Friday, Aug 7, 2020 | 605 views

Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka qaybgalay dood looga hadlayay Xaaladda amni ee Dalka oo uu qabtay Machadka ACTRI ee dalka Mareykanka ayaa dhaliilay qorshaha DFS.

Shariif Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd ee Jabuuti soo dhisay 2009-kii ayaa sheegay in qorshe siyaasadeedka amni ee laga sugayay Dowladda Federaalka ay gabtay, sidaas awgeed ay ka faaiideysteen Al-Shabaab.

“Waxa aan ka qaybgalay Kulan habka fogaan aragga lagu qabtay oo ay soo qaban-qaabiyeen Machadka Maraykanka ee ka hortagga argagixisada ee ACTRI. Waxaan ka hadalnay arrimaha amniga Soomaaliya iyo xaaladaha la xiriira, anigoo warbixin ka siiyay marxaladda adag ee maanta Soomaaliya ka jirta iyo khatarta kooxaha argagixisada ee dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxa uu Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay ka gaabisay soo afjaridda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab balse taa badalkeeda ay xoogeysteen marka la eego weerarada ay geysteen iyo meelaha ay ku sugan yihiin.

“Waxaan kaloo ka warbixiyay sida looga gaabiyay arrinkaas oo dowladda maanta jrta ee waqtigeedu dhammaadka yahay aaney xil gaar ah iskasaarin ka takhaluska, ciribtirka iyo ladagaalanka argagixisada” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Shariif Sheekh Axmed.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Waa nasiib darro iyo qalbi jab in dowladdu aaney lahayn mudadii ay joogtay qorahe siyaasadeed amni oo damaanad siinaya muwaadiniinta, islamarkaana sahlaya in sidhab ah looga hortago argagixisada”.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii todobaad ee Soomaaliya soo maray ayaa sheegay in Waqti muhiim ah ay Dowladdu u heysatay soo afjaridda, isaga oo intaa ku daray in dalka uu maray xaalado duruufo oo aad u adag.

Like it? Share it!

Leave A Response