Hal sano oo kasoo wareegtay qaraxii lagu dilay Duqii Muqdisho

by admin | Friday, Jul 24, 2020 | 499 views

Maanta oo kale 24-kii Bishii July ee sanadkii 2019 xilli galab ah ayaa qarax la sheegay in uu ahaa ismiidaamin waxaa uu ka dhex-dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir,waxaana qaraxaasi ku geeriyooday mas’uuliyiin.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa socday kulan uu shir guddoominayay Guddoomiyihii G/Banaadir ahaana duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,waxaana dhaawac culus oo qaraxaasi kasoo gaaray Eng Yarisoow uu ugu geeriyooday dalka Qatar 1-dii Bishii Agoosto.

Dadka qaraxaasi ku geeriyooday ayaa waxaa kamid ahaa, Guddoomiyihii degmada C/Casiis Sabaax C/laahi Asad, guddoomiyahii degmada Waaberi, Mahad Cilmi, guddoomiyihii degmada Shangaani, Sahra-zad Sheekh Maxamed, Agaasimihii nadaafadda C/fitaax Cumar Xalane, agaasimihii shaqaalaha gobolka Banaadir, C/laahi Dheere, la taliye dhanka sharciga ahaa Xasan Sabriye.

Kadib markii la’aasay mas’uuliyiintii uu kamid ahaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir,waxaa jirtay hadal-heyn badan oo ku aadan nooca uu ahaa qaraxa, hayeeshee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay is qarxisay Haweeney aheyd Agaasimaha Naafada Gobolka Banaadir,balse aysan jirin dad ilaa iyo hadda Maxkamad loo soo taagay qarixii ka dhex dhacay Xarunta Maamulka gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaas waxaa ay sidoo kale sheegtay inay sameyneyso baaritaan dheeri ah oo ku saabsan qaraxa,hayeeshee ilaa hadda aan la soo bandhigin natiijada kasoo baxday baaritaanka oo u muuqda mid afka uun ku ekaa.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maanta ay qabanayaan munaasad lagu xusayo dilka mas’uliyiintii Maamulka Gobolka Banaadir,waxana ka qeyb-galaya ururada bulshada rayidka iyo madaxa kale oo heer gobolka iyo heer dowladeed ah.

Hadaba Sanad kadib Dowladda Soomaaliya Cadaaladda ma horkeeni doontaa hadii ay jiraan dad lagu tuhmayo inay soo abaabuleen qaraxaas, maadaama ay adag tahay in si fudud qarax lagu geliyo Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response