Maamulka G/Hiiraan oo ku baxay Shaqaaqo ka dhacday duleedka Beledweyne

by admin | Friday, Jul 24, 2020 | 593 views
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku baxeen Shaqaaqo ka dhacday degaanka banaaney oo qiyaastii Beledweyne u jira 15km ,kadib markii halkaasi ay wada dagaalameen laba maleeshiyo Beeleed.
Guddoomiye ku xigeenka Maaliyada iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Beldweyne Maxamed qoorsheel ayaa gaaray degaanka banaaney oo maleeshiyaad Reer Guuraa ah ay Guryo iska gubeen dadna iska dileen.
Mas’uuliyiintaan ayaa indha-indheeyay Guryaha la gubay,waxaana ay kulamo gaar gaar ah la qateen maleeshiyaadka labada beellood ee colaada ka dhex qaraxday, iyaga oo ka dalbaday in wax walba wada-hadal lagu xaliyo.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro xal hordhac ah oo laga gaaray Colaada labada Maleeshiyo Beeleed oo horay dhowr jeer dilal la xiriira aanooyin qabiil ay dhex-mareen.
Isku dhaca labada maleeshiyo Beeleed ee duleedka Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka dhashay dilka Hal Ruux iyo in dab la qabadsiiyo Guryo ay deganaayeen dad Shacab ah,waxaana Taliyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka ay Bulshada ugu baaqeen in qof walba oo wax tabanayo uu yimaado Saldhiga Booliska Degmada Beledweyne iyo Maxkamadaha ka dhisan Gobolka.
Like it? Share it!

Leave A Response