Gudoomiyaha GMDQ Xaliimo Yaray oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb.

by admin | Thursday, Jul 16, 2020 | 529 views

Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yaray iyo Xubno ka tirsan Guddiga madaxanaan ayaa maanta Khamiis ah laga wadaa in ay gaaraan Caasimada Dowlad-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Lama shaacin u jeedka rasmiga ah guddiga doorashooyinka Soomaaliya u tagayaan Dhuusamareeb hayeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in socdaalkooda salka ku haayo sidii guddiga uu kulamo looga hadlayo doorashooyinka ula qaada lahaa Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ee dhawaan ku shiray Dhuusamareeb.

Guddiga ayaa dhawaan soo bandhigay laba hab doorasho oo u baahan qarash iyo waqti taas Mucaaradku ku micneeyay mid waqtiga loogu dheeraynayo madaxda haatan talada haysa ee uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowlad-goboleedyada 5 ah ee Soomaaliya oo dhawaan shirkoodii Dhuusamareeb war-murtiyeed ka soo saaray waxa ay sheegeen in aysan dalkaan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah isla markaano ay muhiim tahay in Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada dalka ay ka wada hadalaan Doorashada Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shalay ka hadlay kulankii golaha shacabka waxa uu dhankiisa sheegay in aysan jirin sabab haatan loogu laabto doorasho dadban isaga oo cuskaday sharciga doorashooyinka ee ay ansixiyeen golaha shacabka madaxweynuhuna saxiixay.

Ilo wareedyo ayaa Mustaqbal u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu xalay kulan la qaatay ku dhawaad 10 xildhibaan oo taageersan hadalkii gudoomiyaha golaha shacabka, taas oo dadka qaarkiis ku macneeyeen in Madaxtooyada Soomaaliya ay qorshahaas gadaal ka riixayso.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo markiiba ku qancay casuumaada Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ayaa maalinkii labaad ku sugan Dhuusamareeb waxaana wehliya gudoomiye ku xigeenka 2 aad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo lagu dhaliilay safarkiisa Dhuusamareeb.

Siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa caado u ah marka lagaaro xilliga kala guurka ama doorashooyinka in ay bataan shirarka, dbaliisha iyo isku jawaabida Siyaasiyiinta taas oo caqabad ku ah siyaasada curdunka ah ee Soomaaliya waxaana xalku ku jiraa wadahadal iyo isqancin dhexmarta dhamaanta dhinacyada Siyaasada isku haya.

Like it? Share it!

Leave A Response