DEG DEG: Dowladda oo xirtay dad ay sheegeen inay Propagando ka abuurayeen Imixaanka sanadkan

by admin | Friday, Jul 10, 2020 | 509 views

Sida ay sheegtay Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sarre ee Xukuumadda ayaa waxaa sanadkaan Imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2020/2021 u fadhiisandoona in ka badan 70,000 oo arday Soomaaliyeed ah si xariir ah sanadkii 6-aad, iyadoo sanadkaan lagu Soo kordhiyay fasalka 8-aad (Standard8) 11/July/2020.

Hayeeshee Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa sheegay inay diyaariyeen 2000 oo xubnood oo isugu jira Saraakiil iyo Askar sugta Amniga goobaha imtixaanada, Ilaalinta geedi socodka imtixaanada iyo daabulaada imtixaanka.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inay jiraan Propaganda iyo Qalqal lagu abuuro Waalidiinta iyo Ardayda Soomaaliyeed,isla markaana ay sheegeen inay digniin u dirayaan qof walba oo isku daya in uu abuuro qalqal Imtixaan, sidoo kalena ay dadkaasi qaarkood.

Sanadkii hore ayaa ee 2019 ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyay qeyb kamid ah imtixaanka ay qaadeysay Wasaradda Waxbarashada, taas oo keentay in imtixaanka la bedelo dadna loo xiro.

Like it? Share it!

Leave A Response