Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqday in aysan Doorashadu waqtigeeda ku dhici karin

by admin | Saturday, Jun 27, 2020 | 568 views

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ayaa Golaha Shacabka ka hor cadeysay in hirgalinta doorashada qof iyo codka ah aysan ku dhici karin xilligii loogu talagalay.

Waxa ay sheegtay in loo baahan yahay 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha Julaayo 2020 kuna eg Agoosto 2021.

“Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay, Sidaas darteed, waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka”ayay tiri Xaliimo Yareey.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay u baahan tahay nooca labaad in la eego haddii taasi ay dhici weyso,taasoo ku aadan in doorashadda Waqtiga lagu darayo ay noqonto laga bilaabo 20-ka July 2020-ka ilaa 21-ka March-keeda”

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa sheegtay in ay jiraan caqabado hareeyey howlaha guddiga Doorashoyinka oo ay ka mid yihiin, dawlad gobaleedyada, Dhaqaalaha iyo xaaladdaha Amniga ee Soomaaliya.

Waxa muuqata in doorashada aysan ku dhici karin xilligii loogu tala galay oo ay qaadan doonto bilooyin dheeraad ah, sidda Lix bilood.

Like it? Share it!

Leave A Response