Shil Khasaaro geystay oo ka dhacay Dhuusamareeb

by admin | Monday, Jun 15, 2020 | 534 views

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi uu ka dhacay shil Gaari oo geystay khasaaro kala Durwan.

Shilka ayaa yimid,kadib markii ay isku dhaceen Gaari Xamuul ah oo siday Dhagxaanta guryaha lagu dhiso iyo Gaari yar,xilli ay marayeen Koontoroolka Dhuusamareeb meel ku dhow halka loo yaqaano Quraca Shiine.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in shilkaasi uu dhaawac culus kasoo gaaray laba qof oo ah aabbe iyo gabadhiisa iyo burburka mid kamid ah Gawaarida isku dhacay.

Dhaawacyada labada qof ayaa la dhigay isbitaalka dhexe ee magaalada Dhuusamareeb, si loogu dhaxeeyo,waxaana Ciidamada Amniga ay goobta ka wadeen Darawalada labada Gaari.

Like it? Share it!

Leave A Response