Labada weji ee Abiy Ahmed uu kula macaamilo Farmaajo

by admin | Tuesday, Jun 9, 2020 | 841 views

Kowdii bishii June, Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah xariga uga jaray 12-ka kiilo mitir ee ugu horreeyay wadada laamiga ah ee magaaladda Berbera  ku xirta dalka Ethioipia.

Wadadaan isku xireysa Berbera iyo Addis Ababa, waxaa maal-geliyay Imaaraadka Carabta iyo sanduuqa horumarinta ee Abu Dhabi. Iyagoo kaashanaya shirkadda DP World, waxay ku bixiyeen lacag dhan $442 million balaarinta dekedda magaaladda Berbera, wadadu waxay Berbera u bedeli doontaa xarun weyn oo ganacsi.

Somaliland waxaa ay maal gelineysaa safar ganacsi oo faa’iido badan, kaasi oo soo jiidan doona dhoofin iyo soo dejin badan oo ka yimaada deriskeeda Itoobiya. Laakiin wadada Berbera waxay sidoo kale leedahay ujeedo istiraatiiji ah oo siyaasadeed, taas oo salka u dhigeysa xaqiiqo siyaasadeed.

Waa in dekedda Berbera laga dhigo qayb muhiim u ah dhaqaalaha Ethiopia iyo Somaliland. derejada ay Berbera ku noqoto lama huraanka Ethiopia, waa midda Somaliland lagu aqoonsanayo , taas oo si cad uga dhigeysa wadan madax-banaan.

Valueimpression Placeholder

Inay aqoonsigaas gaarto waxay Somaliland ka raadineeysay, welina aysan guul ka gaarin Ethiopia iyo wadamo kale, kuwaas oo illaa hada uusan midkood si rasmi ah u aqoonsan. Dalalkaas dhamaantood, weli waxay u tixgeliyaan Somaliland gobol ka tirsan Soomaaliya. Mana jirto calaamad muujineysa in wadanna uu talaabo deg-deg ah u qaadayo si uu u noqdo dalkii ugu horeeyay ee aqoonsada Somaliland.

Mashruuca dhismaha dekedda Berbera, waxaa uu ka carreysiiyey Soomaaliya, sababtoo ah waxay soo jiidi karto aqoonsiga Somaliland. Laba sano ka hor markii Somaliland ay 19% ka heshay heshiiska Berbera ee ay la gashay Ethiopia iyo DP World, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalal shisheeye oo uusan magacooda sheegin uga digay in aysan xadka soo dhaafin aysanna su’aal gelin madax-banaanida Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, dowladiisu waxay xushmad u muujisay madax-banaanida Soomaaliya. Haddana sidoo kale, waxaa uu muujiyay in uusan ka baxaynin heshiiska magaaladda Berbera.

Wadadu waxaa ay muhiim u tahay guusha lama huraanka ah ee Ethiopia ka leedahay badda Soomaaliya. Sababtoo ah hoos u dhac ayaa ku yimid xiriirka Ethiopia ay la deedahay Djibouti, tan iyo markii uu Abiy Axmed soo celiyay Eritrea, taasina waxay su’aal gelisay qorshe ay Ethiopia tubooyin gaas ah badda ku gayneyso, iyadoo marsiineysa Djibouti.

Si kastaba ha ahaatee Abiy Axmed, oo 2019-kii ku guuleystay Nobel Peace Prize, waxaa uu sidoo kale adeegsanayaa xirfad diblamaasiyadeed. Bishii Febraayo ee sanadkan, waxaa uu marti geliyay kulan dhex maray Madaxweyne Farmajo iyo Muusi Biixi si ay uga wadahadlaan murankooda.

Kulankaasi waxuu u muuqdaa mid miro dhalay, iyadoo Wakiilka gaarka ah ee Xogahaya Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan uu Golaha Amaanka u sheegay “xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaan dhiiri gelinay in wada hadalku u socdo ee heerka sare labada dhinacna waxay caddeeyeen inay rajaynayaan in xiriirkooda ay joogteeyaan, isla markaana ay yeeshaan wada hadallo dheeri ah.”

Faro-gelinta Abiy Axmed oo dhex-dhexaadinaya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa xiiso abuureysa. Waxaana loo maleyn karaa in Soomaaliya ay Ethiopia u aragto garsoore eexanaya markii Addis Ababa ay dano ka yeelatay mashruuca Berbera.

Sidoo kale Ethiopia waa mid ka mid ah, sedaxda wadan ee qunsuliyad ka furtay magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana labada kale kala yihiin dalalka Jabuuti iyo Turkiga.

Taas bedalkeeda, Abiy Axmed ma doonayo inuu arko Somaliland-ta nabdoon oo ay wiiqday Muqdisho. Ethiopia waxay Somaliland la wadaagta xuduud u dheer, sida ay u dheer tahay midda ay la wadaagto Soomaaliya inteeda kale.

Somaliland waxay Ethiopia ka ilaalisaa ururka hubeysan ee Al-Shabaab, sidaas darteed Ra’iisul wasaare Abiy waxaa uu arrintaan u marayaa waddo ciriiri ah.

Is-marin waaga Somaliland iyo Soomaaliya sidoo kale wuxuu leeyahay cabir ballaaran, Quwadaha Bariga Dhexe ayaa dagaal ay soo guuriyeen isugu xifaaleynaya Geeska Afrika, ayada oo Imaaraadka Carabta ay taageerayaan Somaliland, si ay uga jawaabaan xiriirka Turkiga iyo Qatar ee Soomaaliya.

Haddii Farmaajo uu Itoobiya iyo Abiy Axmed ula saaxiibay inay doonayaan Soomaaliya oo mid ah oo mideysan, waxa tusaale ugu filan xiriirka Abiy iyo Somaliland. Abiy mar walba waxa uu eegayaa danta Itoobiya, waana taas sababta uu Somaliland ula macaamilayo si madax-banaan oo Farmaajo iyo Muqdisho aysan waxba kala socon.

Haddii saaxiibtinimada Abiy ee Farmaajo ay daacad ahaan lahayd, wuxuu ka bixi lahaa heshiisa Berbera isaga oo ku ixtiraamaya “walaakiisa” Farmaajo, wuxuuna cadaadis xooggan saari lahaa Somaliland si ay ula heshiis Soomaaliya.

Ayada oo taas hadda muuqan, Farmaajo ugu dambeyn ma arki doonaa labada weji ee Abiy Axmed kula macaamilayo?

Like it? Share it!

Leave A Response