Xiisad u dhaxeysa ciidanka Kenya iyo kuwa Itoobiya oo ka taagan Kismaayo (Xog)

by admin | Monday, Jun 8, 2020 | 562 views

Muddo ku dhaw todobaad waxaa magaalada Kismaayo laga soo sheegaya iney ka taagan tahay xiisad ka dhalatay ciidan cusub oo Itoobiyaan ah iyo qalab dagaal oo la geeyay Kismaayo.

Ciidanka Itoobiya oo lug ku soo galay Soomaaliya gaar ahaan gobalka Gedo ayaa dorraad diyaarado looga soo qaaday iyaga iyo hubkooda Gedo, waxaana la keenay Kismaayo, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in muddo ay dood ka taagneed sidii ciidanka iyo agabka ay wataan ku gelayaan gudaha Kismaayo, waxaana is hortaagay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in markii dambe ay ciidanka iyo agabkooda ay gudaha magaalada ku galeen amar ay bixiyeen taliska Amisom oo sheegay in ciidanka Itoobiya ee cusub ee ay bedalayaan ciidan kale oo hore u joogay balse ilaa hadda aan bixin.

Valueimpression Placeholder

Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ayaa aaminsan in gudaha Jubooyinka ay dowladda Somaaliya ku soo daabuleyso ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah ayna taas abuuri karto isku dhac ciidan oo weyn.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa soo sheegay in ciidankaan la dejiyay Jaamacadda magaalada Kismaayo aageeda iyo goobo kale lamana oga sababta rasmiga ah ee dalka loo keenay.

Ma cadda in ciidanka si rasmi ah uga tirsan yihiin Amisom iyo inay yihiin Itoobiyaanka aan ka tirsaneyn balse lagu daboolayo, waxaana xusid mudan in madaxa Amisom Francisco Madeira horey loogu eedeeyey inuu la shaqeeyo dowladda dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response