Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho

by admin | Monday, Jun 8, 2020 | 600 views

Howlgalkana ayaa xalay waxaa dhamaan xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka fuliyay Laamaha Amniga ee Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi Gaalkacyo.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay siwadajir ah uga fuliyeen dhamaan Xaafadaha Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo,iyada oo howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay sidoo kale looga hortagayay falalka amni darro ee ka dhaca Magaaladaas.

Saraakiisha laamaha Amniga ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas lagu qabtay dad farabadan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu doonayay in lagu sugo amniga Magaalada,isla markaana ay sii socon doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga Guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Howgalkaan laga fuliyay xalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa u kusoo aadayaa xilli falal amni darro ay ka dhaceen Magaaladaas,isla markaana dhawaan qarax ismiidaamin aha alagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur

Like it? Share it!

Leave A Response