Shacab ku dhintay Madaafiic ay AMISOM ku garaacday deegaan ay ku sugnaayeen

by admin | Monday, Jun 8, 2020 | 442 views

Wararka laga helayo deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayana in Ciidamada AMIOSM ay madaafiic ku garaaceen deegaan duleedka kaga beegan deegaankaas,taas oo sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawc ah.

Goobjoogayaal ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in Ciidamada AMISOM ay madaafiicda ku garacaan Tuulada Kali Asaayle oo waxka yar 2km u jirta degaanka Janaale,isla markaana madaafiicdaay ay ku dhinteen dad lix ruux kor u dhaafaya oo ay ku jiraan Gabar iyo Hooyadeed.

Barqnimadii Maanta ayaa waxaa la sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shaaab ay tageen Tuulada kali Asaayle,isla markaana dadka Shacabka ah ay Goob fagaaro ah isugu keeneen si ay ula hadlaan taas oo keentay in Ciidada AMISOM madaafiic ku garaacdo tuuladaas.

Dadka Shacabka ah ee ku dhintay madaafiicda Ciidamada AMISOM ayaa waxaa la sheegay inay yihiin Beeraleey halka dadka ku dhaawacmay loo soo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro madaafiic ah ku qaadeen deegaano ay ku sugan yihiin dad Shacab ah,kadib markii ay weeraro kala duwan ay kala kulmeen Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response