Booliska Kenya oo toogtay Nin ay uga shakiyeen in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab

by admin | Monday, Jun 1, 2020 | 515 views

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay toogasho ku dileen Nin ay uga shakiyeen in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab,waxaana lala dilay laba Carruur ah oo uu dhalay,kuwaas oo la joogay.

Mohamed Mapenzi oo ah Ninka ay dileen Ciidamada Booliska Kenya ayaa xilliga la tooganayay waxaa uu ku sugnaa Gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Kibundani ee Deegaanka Kwale.

Saaakiil Boolis ah ayaa waxaa ay sheegeen in Mohamed Mapenzi uu bam Gacmeed ku weeraray Ciidamada Booliska xilli ay howlgal ka wadeen hooygiisa,isla markaana ay isku dayayeen inay Guriga ku jebiyaan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in rasaasta ay Ninkaasi ku fureen ay ku dhaawacmeen saddex Carruur ah iyo Hooyadasha dhashay,kuwaas oo haatan xaaladooda caafimaad lagu baxnaaninayo mid kamid ah Isbitaalada dalkaas.

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay dagaal adag kula jirtaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weerar toos ah iyo qaraxyo ka fuliya Gudaha dalkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response