Wiil Dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho{sawiro}

by admin | Monday, Jun 1, 2020 | 686 views

Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Isgoyska Siinaay qeybta degmada Warta-nabada ayaa la sheegay in saakay uu dil u geystay Wiil dhalinyaro ahaa.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Abuukar Tuuryare ayaa la sheegay in subaxdii uu kasoo baxay Hoygiisa,isla markaana uu sagootinayay qof Eehelkiisa ah oo baxayay,hayeeshee askri uu dilay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay dilka Wiilka dhalinyarada ah,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in shaki uu dilka ku dhacay halka warar kale ay tibaaxayaan in khilaaf uu soo kala dhex-galay Askariga iyo Wiilka la dilay oo ay wada murmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday,isla markaana meydka Wiilka dhalinyarada ahaa ay gobta ka qaadeen Ehelkiisa iyo Ciidamo Boolis ah,isla markaana la geeyay Xarunta dambi baarista ee CID-da.

Maamulka degmada Wartanabada iyo Hay’adaha Ammaanka weli wax faah faahin ah kama bixin dilka sakriga uu u geystay Wiilka dhalinyarada ah,hayeeshee Ciidamada ayaa inta badan sibareer ah u dila dadka Shacbaka ah.

SAWIRKA WIILKA LA DILAY
Like it? Share it!

Leave A Response