Dagaal ka dhacay Ceelasha Biyaha & Maamulka Sh/Hoose oo ka hadlay

by admin | Thursday, May 28, 2020 | 518 views

Duhurnimadii Maanta ayaa dagaal sababay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac una dhaxeeyay labada maleeshiyo beeleed waxaa uu ka dhacay deegaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka dagaalamayay ayaa isku heystay dhul ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha,waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo ka hadlayay dagaalkaas ayaa canbaareeyay,waxaana uu sheegay inay ciidamo kala dhex-dhigeen.

“Waxaan canbaareynayaa Dagaal beeledka maanta ka dhacay ceelasha biyaha waxaan xiriir la sameeyay ciidamada amaanka si ay u kala dhexgalaan iyadoo lagu guuleystay, Odayaasha dhaqanka waxaan ugu baaqaya inay qeyb ka noqdaan dajinta colaada ayuu yiri “Guddoomiye Najax.

Wararkii ugu dambeeyay ee Ceelasha ayaa waxaa ay sheegayaan in rasaas goos goos laga maqlayo halka lagu dagaalamay,iyada oo dadka qaarkood ay ka barakaceen.

Like it? Share it!

Leave A Response