Taliyaha Ciidanka xoogga & Saraakiil kale oo ku wajahan Dhuusamareeb

by admin | Monday, May 18, 2020 | 865 views

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug inay gaaraan wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wafdi oo ka ambabaxaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ah Taliyaha Cusub ee dhawaan dowlada Soomaaliya u Magacaawday Booliska Galmudug Gen: Bishaar Abshir geedi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad general Mascuud Maxamed Warsame.

Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa haatan laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Xubnaha Wafdga saraakiisha ah,iyada oo Maanta aad loo adkeeyay Amniga Guud ee Magaalada Dhuusamaereb.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa la filayaa in uu booqdo xeryaha Ciidamada xoogga dalka, isagoo dhiiri galin u sameyn doona Ciidamo loo diyaariyay inay fuliyaan Howlgalo dhowaan laga bilaabay deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Like it? Share it!

Leave A Response