Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Markab kuwa dagaalka ah oo lagu magacaabo INS Kolkata, oo siday 35-burcad-badeed ah oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay xeebaha Soomaaliya, ayaa saaka gaaray magaalada Mumbai, sida ay sheegeen ciidamada badda ee dalka Indiya. Burcad-badeeddan ayaa lagu wareejiyay booliiska Mumbai. “INS Kolkata, oo ay la socdaan 35-ka burcadbadeedda ah ee la qabtay, waxay...

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa General Muhozi Kainrugaba u magacaabay taliyaha ciidamada difaaca dalkaas, sida ay sheegtay dowladda Uganda. Ku dhawaaqista wasaaradda gaashaandhigga ayaa daba socotay hadal heyn sanado badan socotay oo ku saabsan in Kainerugaba loo diyaarinayo xilka ugu sarreeya ee Uganda. Inkastoo 49-jirkan uu horay u beeniyay wararka...

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka maamulka Puntland Maxamed Cabdiwahab ayaa si kulul uga hadlay qorshaha wax ka badalka Dastuurka oo ay ku howlan tahay dowladda Fedaraalka Soomaaliya. Wasiir Maxamed Cabdiwahab ayaa si gaar ah weerar afka ah ugu qaaday wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo madaxweyne...

Warbixin kooban oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay Maalinta loo gaarka yeelay ee Biyaha Adduunka oo sanad weliba la maamuuso 22ka Maarso waxaana ay sanadkaan kusoo beegantay iyada oo biyo la’aan ka jirto Dalal badan oo Caalamka. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Biyaha ay la heer yihiin Amniga iyo kala dambaynta loona baahan yahay in ahmiyad wayn la...

Ugu yaraan 54 qof ayaa Soomaaliya ugu geeriyootay cudurka daacuunka bilihii lasoo dhaafay, iyada oo toddobaadkii lasoo dhaafay ay u geeriyoodeen dad gaaraya ilaa 9 ruux. Tan ayaa ka dhigan in sanad gudihiis dadkii ugu badnaa ay hal toddobaad u geeriyoodeen xanuunkan. Ilaa dhowr kun oo qof ayaa xanuunkan laga helay gudaha Soomaaliya, iyada oo badankood lala tacaalay, sida...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa tagay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug isaga oo la kulmay saraakiil katirsan Ciidanka iskaashanaya ee halkaas ka howlgallaya. Gen. Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa saraakiisha iyo ciidamada Xoogga Dalka kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda deegaanno...

Dokomentari soo saare baaris ku sameeyay saameynt ay leedahay muuqaallada habka digital-ka qof sawirkiisa iyo jirka qof laysku dhajiyo kuwaas oo loo adeegsado filimada anshax xumada ayaa sheegay in ay maskaxyin welwel ku abuuraan dadka laga sameeyay. Filimika Rose Morris waxaa laga jilay qoraaga Helen Mort khibradeeda la xiriirta muuqaaladeeda la been abuuray ee loo adeegsaday...

Madaxweynihii hore ee JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe, halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula yeelan doono Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee wax ka bedelak Dastuurka Sidoo kale wararka ayaa shegaya in Madaxweynihii hore ee KMG Shariif Sheekh Axmed...

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza oo ka duulaya ansixinta wax ka beddelka dasuurka ayaa bilaabay kulamo gooni gooni ah oo ay la qaadanayaan xildhibaanada baarlamaanka. Kulamadan oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay ayaa ka qabsoomay xarunta Villa Soomaaliya, kuwaas oo uu ujeedkooda uu ahaa meel marinta wax ka beddelka dastuurka. Ilo...

Saciid iyo Cismaan oo ah labo wiil oo walaalo ah oo ku sugan magaalada Xalab ee Suuriya isla markaana ka shaqeeya dhismaha guryaha, waxay ka shekeynayaan sida ay ugu adkeystaan soonka maadaama ay shaqo culus qabtaan. Siciid waxa uu yiri: “In kasta oo aan aniga ogyahay in aan ballaariyo maskaxdeyda bisha soon, haddana waxaan noqdaa qof ay ka lunto dabeecadda gaar ahaan...