Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Waaxda dhul bixinta dowladda hoose ee magaalada Baladweyne ayaa digniin ka soo saartay is qabqabsiga dhulalka ee magaaladaasi. Agaasimaha waaxda dhul bixinta dowladda hoose ee B/weyne Xuseen Maxamed Fiidoow ayaa  kaga hadlay arrintaasi oo muddooyinkii dambe magaalada ka taagneyd. Wuxuu iska fogeeyay in xafiiskiisa uu ku lug leeyahay is qabqabsiyada dhuleed islamarkaana...

Dowladda Kenya ayaa sagaal diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ka iibsatay dalka Imaaraadka Carabta. Diyaaradahan oo noocoodu yahay Fennec, ayaa waxaa sameysay Sharikadda Airbus ee Laga leeyahay France,waxaana dowladda Kenya ay kala baxday lacag dhan $200 Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Raychelle Omamo iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Kenya Francis...

Shirkan oo ah kii 73aad ahna mid sanadlaa, waxaa Soomaaliya ku matalaya Wasiirka arimaha dibadda Ahmed Eisse Awad iyo Wafdi uu hogaaminayo. Wasiirka ayaa kulamo la yeeshay madaxda wadamo kala duwan iyo Hay’ado hoos yimaada Qaramada Midoobay, Kuwaas oo uu kala hadlay arimo quseeyo Soomaaliya iyo guud ahaanba Gobolka. Kulamadii u danbeeyay waxa uu la yeeshay Wasiiro...

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan bariga dhexe ayaa si adag uga digay xaaladda nabadda ee barige dhexe. Nikolay Mladenov ayaa BBC u sheegay in xiisadda ka taagan dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto ay sare u sii kacaysay muddooyiinkii ugu dambeeyay. Mr Mladenov ayaa waxa uu sidoo kale ka digay dagaal cusub oo dhex mara Xamas iyo Israa’iil. Ergayga gaarka...

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta dhagaysatay dacwad loo haysto lix ruux kuwaasoo lagu eedeeyay inay gacan siinayeen Mahad Xuseen Shiidow oo maxkamada dil toogasho ah hore ugu xukuntay. Lixda eedeysane ayaa soo abaabulay weerar ay dad shacab ku dhinteen 28-ka bishii tegtay iyagoo gacan siinayay Mahad Xuseen Shiidow oo wade bajaajle ku dilay degmada Beledweyn...

Hoggaamiyaha Mucaaradka Koofurta Sudan ayaa iska diiday inuu booqdo magaalada Jubba, kaddib markii Madaxweyne Salva Kiir uu martiqaad u fidiyay. Reik Machar oo ku sugan magaalada Khartoum ayaa sheegay in jawiga magaalada Jubba aanay xilligan u saamaxeyn inay booqasho ku tagaan xubnaha Mucaaradka, isagoo ugala jeeday ammaanka. Waxaa uu qiray inuu ka walaacsan yahay ammaanka,...

Xarakada AL-shabab ayaa sheegtay in ay 10 ka mid ah Askarta Kenya ku dishay dagaal shalay ka dhacay degaanka Taksiile oo ka tirsan Lamu. Al-shabaab ayaa sheegay in Saldhig Ciidanka Kenya ay la haayeen la wareegeen sidoo kalena gacanta ku dhigeen Askar dhaawac ah. Askarta dhaawaca ah ayey sheegeen in looga cararay Saldhigga Islamarkaana halkaas ka soo qabteen. Ciidamada...

Kooxo hubeysan ayaa degmada Hodan waxa ay ku dileen nin dhalinyaro oo la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaallaha Mid ka mid ah Shirkaddaha ka shaqeeya Adeegga Internert-ka. Dilka ayaa ka dhacay Dalcadda Cabdi Qaasim, waxaana ay la sheegay in dilkaasi ay geysteen  kooxo ku hubeysan Bastoolado. Kooxdii dilka gaysatay ayaa ka baxsatay goobtaasi, waxaana wararka ay sheegayaan...

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar ayaa amar ku siiyay Booliska in ay tallaabo adag ka qaadaan dhallinyaro ka tirsan kooxda Heego oo taageersan Madaxweynihii hore. Dhallinyaradaas ayaa maalmihii la soo dhaafay rabshado ka waday Magaalada Jigjiga,waxaana ugu dambeeyay isku dhac shalay dhexmaray iyaga iyo taageerayaasha Ururka ONLF oo Calanka Ururka...

Maamulka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo saaray ammar cusub oo ku aadan dhulalka sida sharci darrada ah loo kala wareegsado. Duqa B/weyne, Cali C/qaadir Sandheere iyo agaasinka waaxda dhul bixinta ee dowladda Hoose Xuseen Maxamed Fiidow ayaa bulshada ugu baaqay in shacabka u hoggaasamaan ammaradaan, ayna qaataan cadeynta dhul bixinta ee dowladda hoose. Waxa...