Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya haddana ah siyaasi Mucaarid ah Faarax Macallin ayaa sheegay in Mareykanka uu si qarsoodi ah u gurto kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Mr Macallin ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in Habeen kasta marka la gaaro 3:00AM ma sagaal saac habeennimo ay Diyaarado waaweyn oo uu Mareykanka leeyahay ka baxaan Muqdisho,kuwaas...

Ciidamada Dowladda ayaa xalay Howlgalo ka sameeyay Xaafadaha u dhaxeeya Wadooyinka Warshadaha iyo Sodonka oo cabashooyin laga qabay kooxo dhac ka geysta. Howlgalka ayaa si gaar ah ugu dhacay inta u dhaxeysa Cali Kamiin iyo Shiirkole sida u  warbaahita  sheegeen dadka deegaanka. Xaafadahaas ayaa muddooyinkii dambe waxaa kasoo yeereysay Cabasho dadka deegaanka ay ka qabaan...

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa Ciidamada Ammaanka oo isugu jiro kuwa Dowladda iyo AMISOM ka dalbaday in ay gacanta ku dhigaan dadka u dacwo tago Al-Shabaab. Waxa uu sheegay in ay la xiri doono 3-Bil sidoo kalena ay ganaaxi doonaan lacag dhan ($500) Shan Kun oo Doolar. Gudoomiye Dabageed ayaa tilmaamay in ay ogyihiin dadka u dacwo...

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku dhaliilay iney ka gaabisay la dagaalanka Al-Shabaab. Waxa uu sheegay in Al-Shabaab awood dheeri ah inay ku sii yeelanayaan hubka & Saanada Ciidanka dowladda ay ka helaan. Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in Al-Shabaab lagu qaado dagaal mideysan...

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa shaaciyay in uusan imaan doonin Magaalada Muqdisho, sababtuna ay tahay in uusan dooneyn in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qalbi Dhagax ayaa hadda ku sugan Magaalada Hargeysa ee Somaliland waxaana uu sheegay inuu dhawaan booqan doono Puntland iyo Galmudug...

Wariyaha caanka ah ee Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da C/risaaq Xaaji Catoosh ayaa muddo sanad ah ka ruqseystay Howshii BBC-da. Sida ay shaacisay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Fasaxa sanadka ee Catoosh ayaa ka bilaabanaya 1-da October ee sanadkan 2018, kuna eg 30-ka bisha September ee sanadka 2019. Tallaabadan ayaa u muuqata mid fasax dheer uu qaatay C/risaaq Catoosh,...

Dowladda Ingiriiska ayaa ugu baaqday deeq bixiyeyaasha caalamka in ay taageeraan Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, si loo sii dardar geliyo dadaallada la doonayo in nabad iyo xasillooni buuxda looga hirgeliyo dalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Afrika ee Britain Harriett Baldwin, ayaa sheegtay in beesha caalamka looga fadhiyo in ay qaaddo tallabo lamid...

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta lagu qabtay munaasabad uu xilka kula wareegay guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) Munaasabada waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle,Xildhibaano Saraakiisha ciidamada Dowladda,kuwa AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baladweyne. Taliyaha Qeybta Booliska...

Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno katirsanaa Maamulkiisa ayaa maanta markale la horgeeyay Maxkamad ku taalla Magaalada Addis Ababa. Xeer ilaalinta Itoobiya ayaa Guddiga baaritaanada ku haya Kiisaska ay ku eedeysan yihiin Xubnaha xiran ugu sii dartay 10-Cishe oo dheeraad ah. Cabdi Maxamuud oo kahor hadlay Maxkamadda ayaa sheegay in wali ay dhibaatooyin ku qabaan Xabsiga, waxa...

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa soo saartay xeer heer wasiir ah, kaas oo lagu dhaqan gelinayo shuruucda uu gaadiidku lahaa. Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Cali Gacal Gaaboow ayaa sheegay in xeerkan oo ka kooban 24 qodob ay ku dhaqmi doonaan gaadiidleeyda inta laga soo saarayo sharciyadii uu hore u lahaa gaadiidka dalka. Agaasime...