Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynihii shalay xilka ka degay ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in awood loo adeegsaday,taasina ay sababtay in uu ka haray doorashadda Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed. Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqaallo badan ku bixinayso qaar ka mid ah Musharaxiinta maamulka Koonfur Galbeed,taasina...

Wararka laga helayo degaanka Mareer oo qiyaastii degmada Jariiban u jira 35Km ayaa sheegaya in Saddex Caruur ah Labo kamid ah Walaalo yihiiin ay ku geeriyoodeen kadib markii ay ku dhaceen barkad. Maamulka degmada Jariiban ayaa xaqiijiyay in Carruurtaasi ay isku dayeen in ay biyo ka cabaan Baraakadda ka dibna ay ku dhaceen. Labada qof ee dhintay ayaa ah Wiilal sidoo...

Madaxweynihii dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Madaxweynaha Maamulkaas. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Baydhaba ayuu ka sheegay in sidoo kalena uu ka tanaasulay ka qeybgalka doorashada Madaxtinimada Maamulka Koofur Galbeed ee lagu wado in ay dhacdo 17ka Bishan. Warar kala duwan...

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee mamaulka Koonfur Galbeed waxaa saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda Cusub ee kusoo korortay doorashadda maamulka Koonfur Galbeed. 12 Xubnood ee ka haray guddigii doorashadda Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ay sii wadayaan Shaqadda,islamarkaana doorasho ay ku dhici...

Waxaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka. Sida uu qorshaha yahay ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka duulista iyo hawada iyo aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka mashruuca liil tirka. Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha...

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii ay ku lug lahaayen ciidamadda AMISOM ee saaka ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, iyadoona baaritaano ay socdaan sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo sidan u...

Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay sida ugu wanaagsan ee ay aqoonsi ku heli karto Maamulka Somaliland. Afhayeenadda Waaxda arrimaha dibadda Dowladda Ingiriiska oo la hadashay Wargeyska Financial  Times, ayaa  sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu ku xiranyahay in ay la heshiiso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa ay sheegtay in Somaliland aysan aqoonsi ku heleyn...

Ardaydan oo tira ahaan gaaraya 223-arday oo horey nasiib ugu soo yeeshay iney helaan deeq waxbarasho oo ay bixisay Dowladda Ethiopia ayaa 46 kamid ah ardaydaasi ay diyaarin doonaan Darajada labaad ee Waxbarashadooda Jaamacadda, iyadoo 177- Arday oo u baxaya heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda ay soo baran doonaan kulyado kala duwan oo ay kamid yihiin Caafimaadka,...

Xilli Xaalad Siyaasadeed oo adag ay ka jirto Magaalada Baydhabo ayaa arintaasi, waxaa goor dhow war kasoo saartay Wasaaraddda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. Warka kasoo baxay Wasaaraddda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa siddaan u qornaa: Wasaaradda A/Gudaha “Doorashada dowlad goboleedka K/Galbeed waa inay ku qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka” Wasaaradda...

Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu cambaaraynayaa xayiraaddii iyo weerarkii loo geystay kolonyo gaadiid oo QM leedahay [dhacdadaas] oo ka dhacday waddada xiriirisa Gaalkacyo iyo Cadaado ee dowlad goboleedka Galmudug Sabtidii, 3dii November. Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka socday Koonfurta Gaalkacyo saacadihii...