Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Guddiga difacaa iyo arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Kenya oo todobaadkii la soo dhaafay ku sugnaa Gobolka Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in ay ra’yi ururin ku sameeyeen Dadka degaanka. Guddiga waxaa uu ku sheegay kulamo uu la qaatay Shacabka in ay uga soo baxday in dadka degaanka ay ku qanacsanyihiin darbiga laga dhisayo Sohdinta Kenya. Waxaa kale oo ay sheegeen in...

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka ka qaaday guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali iyo xoghayihii dowladda hoose ee Baladweyne Cabdixakiin Maxamuud Xassan. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Arwaax, xoghayaha dowladda hoose ayaa...

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in lala wadaagay macluumaad ku saabsan cod laga duubay dilka Jamal Khashoqji oo ahaa saxafi Sacuudiga u dhashay, balse wuxuu sheegay in isagu uusan si shaqsi ah u dhagaysan doonin. “Waa duubid laga sameeyay sakaraad, waana arrin fool xun,” ayuu Axaddii ku yiri warbaahinta Fox News.   Hay’dda Sirdoonka...

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay kulan ku yeeshaan Muqdisho. Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah warbixinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed  iyo aqrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka mashruuca liilitirka. Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargaliyay in ay soo xaadiraan kulanka Baarlamaanka maanta. Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Golaha Shacabka...

Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Roma ee Caasimadda dalka Talyaaniga sidda ay xaqiijiyeen ilo ku sugan Madaxtooyadda. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah xildhibaano, Wasiiro iyo xubno ka socda Madaxtooyadda, waxaana la sheegay in booqasho dhowr maalmood qaadan doonta uu ku...

iyadoo dhaawan gobolka hiiraan loo soo magacaabay maamul cusub ayaa waxa hada uu bilabay maamulkas in uu kala qeybiyo wariyaasha magaalaadas ka shaqeeya qaarkood ayaa lagu geeyay qaab aan waa nagsaneyn . qaar ka mid ah wariyaasha ka howlga baladweyne aya warbahinta u sheegay in in gudoomiyaha gobolka hiiran uu ku wargeliyay in tiro yar oo asiga xogeyntiisa ay u soo qoren...

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa dib u bixinaya lacag gaareysa ku dhowaad 35 kun oo doollarka Mareykanka ah taas oo shirkad musuqmaasuqa lagu eedeynayo lalana xiriirinayo wiilkiisa ay ugu deeqday ololihiisii madaxtinnimada. Shirkadda dhaqaalaha bixisay oo lagu magacaabo Bosasa, ayaa ku guuleysatay qandaraasyo ay dowladda bixisay, balse waxaa ku...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda uu gaaro Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ah Hoggaamiye Xisbi, waxaana Magaalada Muqdisho iyo gobolada qaar uu ka waddaa Ololo xooggan oo ku aadan Caanbixinta Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay. Diyaar...

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa  Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo. War saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada looga arrimiyo maamulkaasi Puntland ayaa u qornaa sidatan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 175, November 17 2018, ku kala diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo. Madaxweynaha...

Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Sirdoonka arrimaha dibadda ee CIA ayaa soo afjartay baaritaan ay ku baadigoobayeen cidii amartay dilkii wariyihii dhaliili jiray Boqortooyada Sacuudiga Jamal Kashogi oo lagu dhex dilay gudaha Qunsiliyada Sacuudiga uu ku leeyahay Dalka Turkiga. CIA ayaa waxa ay si qeyxan u sheegeen in Amir Maxamed Bin Salmaan uu si toos ah uu u bixiyay...