Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

War saxaafadeed ka soo baxay ciidamada u qaabilsan Maraykanka qaarada Afrika ee Africom ayaa sheegay in duqeyntii ugu horeysay ee sanadkan ay ka fuliyeen gobolka Bay. Duqeyntan ayay ciidamada Maraykanku sheegeen in ay ku dileen toban ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. “Waxaan qiimeyneynaa in dad rayid ah aysan ku dhiman duqeyntan,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo...

Waxaa goordhaw ciidamada ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa oo laga soo buuxiyay jawaano kaaso lala damacsana in dadka kusoo xoorma qarax kowad oo ka dhacay baledweyne in mar labaad lagu qarxiyo. ...

Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa maanta lagu waddaa in ay ka dhacdo doorashadda Gudoonka baarlamaanka maamulka Puntland, waxaana hadda socda diyaar garow Ballaaran oo ku aadan doorashadda. Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa u tartamayaa 4 murashax oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed),Cabdiraxmaan Cali Jibriil,Cabdijamaal Cismaan Maxamed...

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa Khudbad u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey,taasoo uu kaga hadlay Xaaladda Soomaaliya. Waxaa  uu sheegay in uu  Soomaaliya yimid 3-dii October ayna si Wanaagsan u soo dhaweeyeen saraakiil sar sare oo katrisan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa...

Iyadoo Dawlad Gobolleedka Puntland ay yeelanto Hogaan Cusub Todobaadka Dambe ayaa hadana digniino badan la bixinayaa sida ay noqon karto Doorashada la filayo inay Qabsoonto. Doorashadaan ayaa ka xiiso badan xitaa midii Soomaaliya Hogaankeeda loogu tartamayey Ee Qawaamuurta ka qeyb qaadanayeen. Dawlad Gobolleedka Puntland waxay dooneysaa inay hesho Hogaamiye Wax badan...

Ugu yaraan laba qof ayaa dhimatay afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib laba weerar oo toorrey loo adeegsaday oo  ka dhacay magaalada London ee dalka Britain. Weerar loo adeegsaday toorrey oo ka dhacay degaanka Park Lane ayaa waxaa ku dhintay hal nin, halka saddex qof oo kale oo mid ka mid ah ay tahay dumar lagu dhaawacay. Sidoo kale haweeney ayaa lagu toogtay...

magalada baadweyne ee xunta gobolka hiiraan waxaa ka taagan khilaaf xogaan kaas oo soo gala dhaxgay madaxda gobolka hiiraan kadib markii ay ka shakiyeen sida ay sheegeen mas,uuliyiin ka tirsan mamulka gobolka hiiraan oo warbaahinta la hadaly. mid ka mid aya yiri: magalada hada waxaa ka jirta xiisad taas oo ka dhalatay laka shaki madaxda ah ka dib markii dad horay u soo...

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku toogtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo 7 ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab. Todobada ruux ee la toogtay ayaa kamid ahaa sagaal ruux oo ku xirnaa saldhiga degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegeen inay fulinayeen amarkii kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska...

Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa ku amray wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomalaiya inuu si degdeg ah waddanka uga baxo, ka dib markii uu warqad ku aaddan rabshadihii ka dhacay Baydhabo u diray wasiirka amniga gudaha. Cawad ayaa sheegay in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin...

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqday in dhawaan ay qorsheynayaan in ay dhisaan golaha deegaanka ee maamulka Hirshabeelle.Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, mudane Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay in bisha Janaayo ee ina soo aaddan ay si rasmi ah u guda gali doonaan howlaha iyo qorshayaasha maamulka ee ku aaddan dhismaha golaha...