Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Kenya ayaa dhaafi doonta Angola si ay sanadkan u noqoto dalka afaraad ee ugu dhaqaalaha badan wadamada Saxaraha ka hooseeya, waxaana ka dambeeya Koonfur Afrika, Nigeria, iyo Itoobiya, sida ay saadaalisay hay’adda lacagta adduunka ee IMF. Saadaasha ayaa u aragta Kenya in ay sii haynayso booskaas ilaa dhamaadka 2029ka. Sannadkii hore, GDP-ga Kenya waxaa lagu qiyaasay inuu...

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan saacado badan qaatay oo ay gudaha dalka Kenya kula yeesheen Saraakiil sar sare oo ka socotay Wasaaradda Difaaaca dowladda Maraykanka. Kulanka oo ka dhacay magaalada Nairobi waxa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ku wehlinaayay...

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa saaxibada Caalamka oo is kaashanaya ayaa saacadahii lasoo dhaafay duqeymo dhanka cirka ah Ka fuliyay deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeellaha dhaxe iyo Mudug. Duqeynta koowaad oo ka dhacday deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la sheegay in lala eegtay guri ay ku shirayeen masuuliyiin ka tirsan kooxda...

Ugu yaraan 16 qof ayaa dhimatay kadib markii dooni ay ka soo raaceen Yemen ay ku dagtay xeebaha dalka Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee Qaramada Midoobay Salaasadii. Qoraal ay IOM soo dhigtay barteeda X oo hore loo odhan jiray Twitter-ka ayay ku tidhi “Musiibo doon ku dagtay xeebaha Djibouti oo ay saarnaayeen 77 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku...

Daadad ay dad badan ku dhinteen ayaa dhibaato ba’an ku haya qeybo badan oo ka mid ah Bariga Afrika oo ay ku soo wajahan yihiin roobab mahiigaan ah, iyadoo Burundi ay ku baaqday gargaar caalami ah si wax looga qabto dhibaatooyinkaasi. Harada Tanganyika ee kor u kaca biyaha ayaa xoog ku galay dekedda Bujumbura, oo ah caasimadda dhaqaalaha Burundi, taas oo hakad gelisay...

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Kınalıada F514 ayaa maanta oo Talaado ah kusoo xirtay Dekedda magaalada Muqdisho kadib markii ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen heshiis dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah bishii February ee sanadkii 2024-kii. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay...

Dhammaan 23-ka badmaaxiinta u dhashay dalka Bangladesh ee ay qafaasheen kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo Axadii gaaray magaalada Dubai ayaa xaaladooda caafimaad jireed iyo mid maskaxeedba ay wanaagsan tahay, sida ay saraakiishu sheegeen Isniintii. Markabka MV Abdullah oo ay gacanta ku hayso shirkad laga leeyahay dalka Bangaladesh oo lagu magacaabo KSRM ayaa markii...

Roobka Guga ee dhawaan ka da’aya 22 degmo oo ka tirsan Soomaaliya ayaa la filayaa inay saameeyaan ilaa 770,000 oo qof, sida ay Axaddii sheegtay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee OCHA. OCHA ayaa sheegtay in roobabka guga ee bilaha April ilaa June ay ka curteen inta badan gobolada dalka, iyadoo meelaha qaarna ay ka da’een roobab mahiigaan ah, inkastoo aan...

Major-General Aharon Haliva, oo ah madaxa sirdoonka millatariga Israel, ayaa xilka iska casilay, isaga oo sabab uga dhigay guul-darradii lagu joojin lahaa weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas, isagoo noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee eedda qaada oo xilka banneeya. Hay’adda difaaca madaniga ah ayaa sheegtay in ilaa hadda ay soo saartay 283 mayd oo laga helay xabaalo...

Boqolaal qof ayaa mar kale isugu soo baxay waddooyinka magaalada Agadez ee waqooyiga dalka Niger, iyagoo dalbanaya in si deg deg ah ay uga baxaan askarta Mareykanka ee weli ku sugan dalkaasi. Mudaaharaadka, sida ay ku warantay warbaahinta gudaha, ayaa waxaa ku baaqay hay’ado taageersan mas’uuliyiinta milateriga ee awoodda kula wareegay afgambigii dhacay 26-kii July....