Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Xarriyaale ee degamada Warta Nabadda waxaa ay sheegayaan in Wiil uu Aabbihii xalay ku dhaawacay degmada gudaheeda halkaas oo uu Odayga ka soo gaaray dhaawac culus.
Goobjooge ka mid ah dadka degaanka gaar ahaanna halka uu shilka ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta in Odayga dhaawaciisa uu halis yahay kaddib markii Middi looga dhuftay qeybta sare ee jirka.
Ciidamada amaanka ayaa xalay mar xiray wiilka aabbihiis dhaawacay hayeeshee goor dambe ayaa la sheegayaa in ay sii daayeen iyada oo aan wali sababta la sheegin.
Sanadkan gudahiisa dhowr shil oo noocan ah oo ay dad ku dhinteen ayaa ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Degmooyinka Hodon, Dharkenley,Kaaraan iyo Warta Nabadda oo ugu dambeysay.