Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay arrinta Jabuuti

by admin | Thursday, Aug 2, 2018 | 1237 views

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka waxa uu ka kaga hadlay arrinta Jabuuti ee la xiriirtay inay walaac ka muujisay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka sheegay Asmara ee ahaa in cunaqabteynta laga qaado Eritrea.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan marnaba ilaawi karin abaalka wanaagsan ee ay dowladda ka heshay dowladda Jabuuti oo ciidankeeda ay joogaan Soomaaliya.

Waa tallaabo dhanka fiican loo qaaday haddii dowladda Soomaaliya ay hagaajineyso cilaaqaadka aan la leennahay dowladaha iyo shucuubta gobolka.

Hase yeeshe, shacabka iyo dowladda reer Jabuuti waxay naga mudan yihiin in aan dhowrno oo aan ugu hiillinno jiritaanka dalkooda iyo dowladnimadooda, suurtagal nagama aha in ay nala sahlanaato dhammaanshaha dhulka reer Jabuuti iyo geesiyaasha wali dagaalka lagu la’yahay, waxay naga mudan yihiin inaan ugu hiillinno sidii ay noogu hiilliyeen oo ay waligood noo garab taagnaayeen oo ay ugu dambeysay ragga iyo gabdhaha Hiil Walaal ee naftooda Soomaaliya u huray, dadnimada iyo damiirkuba waxay noo tilmaamayaan inaan laga abaal dhicin.

Bani’aadamka hadiyad uu bixiyo waxaa ugu qaalisan nafta, Reer Jabuuti xoog iyo xoolo kaliya naguma garab istaagin ee naf iyo dhiig ayey noo hureen.

Madaxdeennu ma isweydiyeen meeqa caruur ah ayaa aabbayaashood ku waayay Soomaaliya, sidoo kale meeqa Marwo ayaa seygii ay jeclaayeen ku waayay Soomaaliya ama meeq Hooyo ayaa wiilashii ay jeclaayeen ku waayay u hiillinta jiritaanka Soomaaliya.

Haddaba, Madaxda dalkeenna waxaan ugu baaqayaa iney dib u eegis dhab ah ku sammeeyaan Mowqifka ay ka qaateen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Ereteriya.

Walaalaha reer Jabuutine waxaan leeyahay:-

“HIIL WALAAL MA HUNGOOBO”

Like it? Share it!

Leave A Response